FamilyLinks.icrc.org
Link1 |  Link2 |  Link3
Начало > FamilyLinks
  Print this page
25-07-2005    
Soomaaliya: Dib uu xiriirinta qoysaska
Liisaska dadka qoysaskoodu raadinayaan, kuwaasi oo xiriirkoodu ku kala lumay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya.
Shabakada Internetka ee xiriirinta qoysaska Soomaaliyeed wuxuu idin soo bandhigayaa liisaska magacyada dadka laga baafiyay barnaamijka baafinta ee BBCda iyadoo la isticmaalayo Barnaamijka iskaashiga Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas(ICRC) iyo BBCda ama iyadoo la isticmaaalayo codsiga baafinta.

©ICRC

In ka badan toban sannadood dagaalaadii iyo rabshooyiinki ka dhacay Soomaaliya waxay sababeen kala qaybsanaanta bulshada iyo burburka xiriirka qoysaska. Sidaa daraadeed waxaa yaraaday awoodii ama fursadii xiriirka qoysaska.

Waxaa intaa dheeraa, dhaqaale daro hesyatay dadka kuwooda ugu taagta daran oo u suurtagelin weyday isticmaalka isgaarsiinta kuwaaso laga heli karay magaalooyinka waaweyn oo keliya. Taasi waxay lagama marmaan ka dhigtay baahida bulshada ee dib ula xiriirida qoysaska iyagoo u maraya Ururada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas.

Iyadoo la kaashanaysa Guddiga Caalamiga ee laanqeyrta Cas, Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay ku leedahay labo iyo labatan (24) xafiis gobolada dalka, kuwaasi oo kaa caawinaya bulshada Soomaaliyeed dib u dhiska iyo joogtaynta xiriirinta qoysaska iyo qaarabadooda.



Barnaamijka baafinta ee ay wadajirka isaga kaashadaan Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo BBCda waa barnaamij shan iyo toban (15) daqiiqo lagu baafinaayo dadka maqan. Wuxuuna hawada soo galaa lix maalmood todobaadkiiba laga bilaabo Sabti iyo Khamis 5.15.-5.30 galabnimo iyo Axad ilaa Arbaco 5:30-5:45 galabnimo mawjadaha ama hirarka gaagaaban.

Codsiga baafinta waxaa la isticmaalaa marka lagu guul dareysto fariimo la diray oo dib loogu soo celiyay diraha ama wax xog ah laga hayo la baafiyaha.

Liiska soo socda waxaad ka heli kartaan magacyada dadka maqan ee laga baafiyey lixdii bilood ee la soo dhaafay ama codsasho baafineed looga furay Xafiisyada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas.

 Liiska magacyada dadka maqan
(Last update 31.10.2008)

Haddii aad magacaaga ku aragtid liiskan, ama magac qof qaraabadaada ah oo la raadinayo ama aad akhbaar sugan ka haysid dad ka maqan qoyskooda. Fadlan kala xiriir xogta qofka, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC).

  This page in English

Wixii faafaahin dheeraad ah
Ergeda Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas

Ururada Laanqeyraha Cas iyo Bilaha Cas


go to top of page
Copyright © 2008  International Committee of the Red Cross25-07-2005